Dowladda Kenya Oo Gabi ahaanba Joojisay Xafladii 18-ka May Ee Nairobi

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Kenya ayaa gabi ahaanba joojisay xaflad weyn oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Somaliland oo lagu maamuusayay waxa ay ugu yeeraan 18-ka May, iyadoo ciidamada ammaanka ay albaabada isugu dhufteen goobtii ay munaasabaddu ka dhici lahayd.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in qaar ka mid ah qabanqaabiyayaashii munaasabadda xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay iska dhega tireen amarkii dowladda ee lagu joojiyay xafladda, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid hab-dhaqanka dowladda Kenya ee ku aaddan munaasabadaha noocan ah.