Shir degdeg ah oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa maanta ka qabsoomay Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib dagaal saaka aroortii ka dhacay gudaha magaalada.
Kulanka oo uu guddoominayay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cirro, ayaa si qoto dheer looga falanqeeyay dagaalkii saaka dhacay, saameyntii uu reebay iyo tallaabooyinka degdegga ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo kulanka, saraakiisha ciidamada, taliyeyaasha laamaha amniga iyo mas’uuliyiin kale ayaa isla gartay baahida loo qabo in la xoojiyo sugidda amniga, laga hortago isku dhacyo hor leh, isla markaana shacabka loo abuuro jawi amni oo deggan.
Dagaalka saaka ka dhacay Baydhabo ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Ilo dhinaca amniga ah ayaa tilmaamaya in ciidamada dowladda ay guulo ka gaareen iska horimaadka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, ha noqoto dhimasho ama dhaawac.
Shacabka Baydhabo ayaa saaka ku waabariistay xaalad cabsi iyo feejignaan ah, iyadoo qeybo ka mid ah magaalada lagu arkayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan, halka ganacsiga iyo isu socodka dadkuna ay saacado kooban hakad galeen.
Kulanka degdegga ah ee ka dhacay Taliska Qeybta 60-aad ayaa la filayaa inuu kasoo baxo go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Baydhabo, xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay dagaalkii saaka, islamarkaana si dhow loola socdo xaaladda amni ee magaalada.




