Xildhibaan Jamaal Aadan diiriye oo Si Rasmiya looga saaray Xisbiga Kaah.
Ku: Jamaal Aadan Diiriye
Og: Hoggaanka Sare
Og: Guddiga Anshax-marinta
UJEEDDO: Go’aan Guddi Fulinneed: Waayitaan Xubinnimo iyo Xil-ka-xayuubin Rasmi ah
Kulan degdeg ah oo ay yeesheen Guddiga Fulinta Xisbiga oo ay soo gaadhay soo jeeddin ka timi Hoggaanka Sare ee Xisbiga, oo xigganaya tallaabo anshax-marin ah oo ay soo jeediyeen Guddiga Anshax-marinta ee Xisbiga KAAH, waxa caawa oo Salaasa ah, lagu go’aamiyay go’aankan soo socda:
1. In Jamaal Aadan Diiriye, oo ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeennada Xisbiga KAAH, uu waayey xubinnimadii Xisbiga islamarkaaana si rasmi ah loogu sameeyay xil-ka-xayuubin buuxda, kaddib markii uu jebiyay xeerarka iyo mabaadi’ida guud ee xisbiga.
Go’aankan waxa uu waafaqsan yahay Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Qaranka Xeer Lr. 14, Qodobka 10aad, Faqradiisa (x), iyo sidoo kale Dastuurka Xisbiga KAAH, Qodobka 11aad, Faqradiisa (3), kuwaas oo si cad u qeexaya sababaha keeni kara waayidda xubinnimada iyo xilka xisbiga.
Allaa Mahad Leh
Guddoomiyaha Xisbiga KAAH,
Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

