Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Dalka Jabuuti Tababar ugu soo xiray Ciidamo katirsan Daraawiishta oo muddo saddex bilood ah Tababar uga socday dalkaas.
Dufcadda Tababarka loo soo xiray oo noqonaysa Dufcaddii 24-aad oo Dalka Jabuuti Tababar lagu siiyo ayaa la baray Tabaha dagaalka casriga ah, qorsheynta iyo fulinta hawlgallada amniga ee gaarka ah , waxaana Tababarka bixiyey macalimiin ka socday Dalka Talyaaniga gaar ahaan Ciidanka Carabinieri oo leh aqoon la xiriirta Xirfadaha Dagaalka .
Taliye Asad ayaa uga mahadceliyay dowladaha Jabuuti iyo Talyaaniga taageerada joogtada ah iyo kaalintay ku leeyihiin hirgelinta Tababarka oo siweyn qeyb uga qaadanaya tayeynta iyo socod siinta Howlaha horumarineed ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
























