Saturday, November 28, 2026

Burcad-badeed Somali ah Oo Xeebaha Yemen ka Afduubtay Markab Imaaraadku leeyahay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta, kaas oo ku sugnaa xeebaha Yemen, iyadoo kooxda Afduubka geysatay ay isu ekaysiiyeen kalluumaysato, isla markaana ay ku dhex dhuunteen Soomaalida ku nool dalkaasi Yemen.

Hay’adda UK u qaabilsan la socodka amniga badda ee UKMTO ayaa sheegtay in markab xamuul ah ay koox hubaysan gudaha u gashay isagoo ku sugnaa meel qiyaastii 120 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Balhaf ee Yemen.

Saddex sarkaal oo ka tirsan laama amniga Puntland ayaa ku sheegay magacq markabka la afduubtay MV Marsa Virgo, oo ay leedahay shirkadda Marsa Ocean Shipping ee fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, isla markaana ku safrayay calanka Panama.

Saraakiisha ayaa sheegay in markabka ay afduubteen lix nin oo Soomaali ah oo hubaysan, kuwaas oo Puntland kaga baxay doon kalluumaysi, kadibna uga gudbay Gacanka Cadmeed, waxeyna ku gaareen Yemen.

Markii ay Yemen gaareen, lixda nin ayaa ku dhex milmay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta Yemen, si aan loo ogaanin qorshahooda, sida ay sheegeen saraakiisha amniga. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in ay hubka ay wax ju afduubteen ay ka heleen Soomaalida halkaas ku nool, si ay weerarka u fuliyaan.

Waa markii u horreysay ee weerar burcad-badeednimo ay fuliyaan Soomaali ka soo duulaan tagtay gudaha Yemen, iyadoo burcad-badeeddu ay gacanta ku hayaan markabka.