Ciidanka Booliska Ciraaq ayaa billaabay howlgallo lagu soo xiray siyaasiyiin ay ku jiraan mas’uuliyiin xilal sare soo qabtay oo ka dhacay magaalada Baqdaad, iyadoo la sheegay howlgalkan inuu daba socdo howlgal lagula dagaallamayo musuq maasuqa oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Cali al-Zaidi oo xilka la wareegay bartamihii bishii May ee sannadkan 2026, sida uu baahiyay wargeyska ka soo baxa Baqdaad ee Al-Mada.
Howlgalkan ma kala soocin, siyaasiyiinta Shiicada, Sunniga, kuwa xiriirka la lahaa Mareykanka iyo Iiraan, wuxuuna gaaray guri kasta oo lagu tuhmayay inay degganyihiin mas’uuliyiin lala xiriiriyay inay ku lug leeyihiin musuq maasuqa baahsan oo dalka Ciraaq ka jiray tobannaankii sanno ee u dambeysay.
Inta howlgalkan uu socday waxaa gacanta lagu soo dhigay lacag ka badan boqol milyan oo doollar , halka hanti badan oo dahab iyo guryo ay dawladdu la wareegtay. Waxaa intaa dheer in la joojiyay mashaariic badan oo xataa uu ku jiray mashruuca lagu horumarinayo garoonka diyaaradaha Baqdaad oo ay ku baxaysay $764 milyan, halka ay socdaan baaritaanno lagu hayo heshiisyada dawladda Ciraaq ay gashay sannadihii u dambeeyay si loo ogaado musuqmaasuq suurtagal ah.
Howlgalka lagula dagaallamayo musuq maasuqa ee ka socda dalka Ciraaq, ayaa bannaanka soo dhigay waxyaabo badan oo la yaab leh. Dadka baaritaanka lagu sameeyay waxaa ka mid ah wasiir ku-xigeenka Batroolka Ciraaq , Ali Maarej al-Bahadli oo markii gurigiisa la baaray darbiyada dhismaha guriga laga soo saaray 11 milyan oo doollar oo lacag caddaan ah, iyo sidoo kale 4 bilyan oo diinaarka Ciraaq ah (qiyaastii 3.1 milyan oo doollar), iyo weliba hanti kale oo qaali ah oo ay ku jiraan dahab , saacado qiimo badan ku fadhiya iyo dukumiintiyada hanti maguurto ah oo dhammaan ah hantida dadweynaha ee la musuq maasuqay, sida ay baahisay warbaahinta Al Hadath.
Al-Bahadli, hadda waxaa la dhigay xabsiga waxaana weli socda baaritaannada lagu hayo, isaga iyo mas’uuliyiin sare oo xilal kale duwan ka soo qabtay dawladda Ciraaq. Waxa ugu yaabka badana waa in ninkan hantidaa badan ka dhacay dadka Ciraaq uu saddex maalin ka hor shacabka Ciraaq u ballanqaaday caddaalad iyo daahfurnaan inuu ugu adeegayo.
Howlgalkan aan horey loo arag ee ka socda Ciraaq , wuxuu soo bilowday markii uu bartamihii bishii May ee sannadkan xilka la wareegay Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Cali al-Zaidi oo ah nin dhallinyaro ah oo ah 40 jir aan horey xilal siyaasadeed usoo qaban oo ka soo shaqeeyay bankiyo iyo xarumo dhaqaale oo shirkadaha ugu weyn dalkaa ay ka mid yihiin, kaasoo ballanqaaday inuu Ciraaq ka suulinayo musuq maasuqa, wuxuuna joojiyay heshiisyadii horey dawladdu u gashay oo qaabka ay u dhaceen la baarayo iyo mashaariic socotay oo uu ka mid yahay mashruuca horumarinta garoonka diyaaradaha Baqdaad oo ay ku baxayso ku dhawaad $800 oo milyan
Shaqsiyaadka caanka ah ee lagu xiray howlgalka lagula dagaallamayo musuq maasuqa ee ka socda dalka Ciraaq, waxaa ku jirta haweenayda caanka ah ee Alia Nusaif oo muddo dheer ka tirsanayd Baarlamaanka Ciraaq, iyadoo qayb ka ahayd guddiga maaliyadda iyo la-dagaallanka musuq maasuqa, balse baaritaanno lagu sameeyay 48 saac ee u dambeysay gurigeeda waxaa laga soo helay 15.5 milyan oo doolar , dahab badan iyo hanti kale oo qiimo badan ku fadhiya oo ah lacago iyo hanti ay musuq maasuqday ee dadweynaha Ciraaq. Waxaa kaloo la xiray wiilkeeda oo horey usoo noqday madaxa xafiiska Ra’iisul wasaarihii xilka ka deggay bishii May ee sannadkan ee Maxamed Suudaani.
Waxyaabaha la soo bandhigay ee guriga Alia Nusaif , laga helay ee sida weyn looga hadal hayo Ciraaq waxaa ku jiray hoos gashiga dumarka oo laga sameeyay dahab saafi ah.
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Cali al-Zaidi oo xilka haya wax ka yar boqol maalmood waa 40 jir , taasoo ka dhigtay qofkii ugu da’da yaraa ee xilka ra’iisul wasaaraha ka qabta dalka Ciraaq, wuxuu ku dhashay gobolka ku yaalla koonfurta Ciraaq ee Dhi Qar. Wuxuu ka soo jeedaa qoys Ciraaqi ah oo caan ah, wuxuuna haystaa waxbarasho heer jaamacadeed oo ku saabsan sharciga iyo maaliyadda (finance & banking).
Kahor inta uusan siyaasadda si buuxda u gelin, wuxuu ahaa ganacsade, wuxuuna ka shaqeynayay shirkado iyo bangiyo waaweyn oo gudaha Ciraaq ah. Sidoo kale wuxuu ku lug lahaa maamulidda hay’ado ganacsi iyo mashruucyo kala duwan.
Siyaasad ahaan, Al-Zaidi ma ahayn qof si weyn loo yaqaan ka hor inta aan loo magacaabin Ra’iisul Wasaare. Waxaa loo arkaa siyaasi dhexdhexaad ah , maaddama uusan wax xisbi ah ka tirsanayn , waxayna taa fursad u siisay inay xisbiyo kala duwan ku heshiiyeen si meesha looga saaro khilaafka siyaasadeed oo Ciraaq ka jiray.
Wuxuu xilka la wareegay bishii May 2026, isagoo ballan qaaday, inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa,in uu hagaajin doono adeegyada dawladda iyo in uu isku dheelitiri doono xiriirka Mareykanka iyo Iiraan.
Si kooban, waa ganacsade noqday Ra’iisul Wasaare, oo loo keenay inuu dejiyo khilaafaadka siyaasadeed ee Ciraaq iyo inuu xakameeyo musuqmaasuqa




