Warbaahinta Israa’iil ayaa dib u bilowday inay faafiso warar ku saabsan kiiska Jeffrey Epstein ee lala xiriirinayo Trump, xilli la sheegay in Trump uu isbeddel ku sameynayo xiriirka uu la leeyahay Netanyahu, iyadoo warbaahinta Mareykanka ay ku warramayso in xiisad siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay Trump iyo Netanyahu, taasoo keentay in Netanyahu uu doonayo inuu kulan la yeesho Trump si xaaladda loo dejiyo.
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Jerusalem Post, ayaa baahiyay inay xaalad cabsi ah wajahayso haweenay horey ugu eedeysay Trump inuu kula kacay fal faraxumayn ah , taasoo ku jirta faylasha Epstein. Wargeyskan ayaana sheegay inay hadda haweenaydan bilowday indhaha dadweynaha inay ka dhuumato, taasoo ay uga fogaanayso ficil aargoosi ah ama in la dilo,xilligaana ma jirto cid og halka ay ku sugantahay.
Dad badan ayaa qaba aragtida ah Epstein inuu ahaa shaqsi xiriir la leh hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad , isla markaana loo adeegsan jiray habab lagu cadaadin karo siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka saameynta leh, ilaa xataa taageerrada uu Trump siinayo Netanyahu lala xiriiriyay inay baarinimadaa ka dhalanayso faylasha Trump uu ku eedeysanyahay ee qaybta ka ah kiiskan loo arko mid ka mid ah dambiyada ugu anshaxa xun ee bani’aadam ku kacay.

Screenshot
