Somaliland ayaa sheegtay in wada hadal telfoon oo dhexmaray madaxweynaha SL Cabdiraxmaan Cirro & Ra’iisulwasaaraha Israa`iil Netanyaha, looga hadlay iskaashi hor leh taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha & Iskaashiga siyaasad oo hor leh.
Safiirka idman Somaliland ee ay u magacowday Israa`iil ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa wada hadalka telfoon ee 2da dhinac, ayna ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dhinac ilaa heerka ugu sarreeya oo dhan walba ah, ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Dowladda Faderaalka Soomaaliya & dowladdaha Carabta ayaa cambaareeyey talaabada Somaliland ay Safaarad kaga furatay magaalada Qudus, iyadoo Trump horey halkan ugu aqoonsaday casumaadda Israa`iil.
