Dalalka Yurub Costa Rica iyo Australia Oo ku Dhawaaqay Maxkamad Loogu Hiilinayo Ukraine

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

34 dal oo reer Yurub ah oo ay weheliyaan Costa Rica iyo Australia ayaa ku dhawaaqay in ay sameeyeen maxkamad loogu hiilinayo dalka Ukraine taas oo lagu diwaan gelinayo dembiyadii uu Ruushku ka geystay gudaha Ukraine.

Maxkmaddan ayaa daba geli doonta dembi kasta oo dagaal oo Ruushku ka geystay Ukraine iyada oo si toos ah loo baadhi doono dhacdooyinkii dalkaas uu Ruushku ka geystay.

Arrinkan ayaa ka dhigan in Moscow la saarayo culays labaad oo lagu sii kordhinayo Putin kaas oo reer Galbeedku ku eedeeyeen in uu xasuuq ka geystay Ukraine.