Laba Sargaal Oo ka Tirsan Dawlada Britain Oo lagu Helay inay u Basaasayeen Shiinaha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ee Britain ayaa lagu helay dambi ah inuu u shaqaynayay sirdoonka Shiinaha, isagoo qayb ka ahaa waxa lagu tilmaamay “hawlgal booliis oo qarsoon”.

Chi Leung Wai oo sidoo kale loo yaqaan “Peter” Wai, 40 jir ah, ayaa isticmaalay qalabkiisii iyo fursadddiisi ee uu u lahaa nidaamka kombiyuutarrada ee Xafiiska Arrimaha Gudaha si uu ula socdo mucaaradka Hong Kong ee ku nool Britain, isaga oo adeegsanaya keydka xogta socdaalka.

Waxaa lagu helay dambi hoos yimaada sharciga amniga qaranka ee Britain,Chung Biu Yuen oo 65 jir ah oo isaguna haya xil dawladeed kaas oo caawinayay adeeg sirdoon shisheeye, isaga oo xidhiidhiyihiisii ugu horreeyay ee maamulka Hong Kong sameeyay.

Wai sidoo kale waxaa lagu helay dambi ah ku takri-fal awoodeed isagoo haya xil dowladeed.

Safiirka Shiinaha ee Britain, Zheng Zeguang, ayaa loogu yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain kadib markii labada nin lagu helay dambiyadaas.