Thursday, April 30, 2026

Madaxa Hay’ada Tamarta Aduunka:-“Caqabad Dhaqaale iyo mid Tamareed oo Weyn ayuu Dagaalka Iran Keenay.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxa Hay’ada Tamarta Aduunka ayaa ka digay in dunidu wajahday caqabad dhaqaale iyo mid tamareed oo aad u weyn, taas oo ka dhalatay saameynta dagaallada ka socda bariga dhexe.

Agaasimaha hay’adda, Fatih Birol, ayaa sheegay in tani ay noqon karto dhibaatadii ugu weynayd ee dhinaca tamarta ee abid soo marta caalamka.

Isagoo ka hadlayay shir ka dhacay Paris, Birol ayaa xusay in suuqyada shidaalka iyo gaaska ay la tacaalayaan culaysyo aad u waaweyn, isagoo tilmaamay in qiimaha saliidda uu kor u dhaafay $120 halkii foosto, arrintaas oo cadaadis xooggan saareysa dalal badan.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdan ay si toos ah u saameyneyso dhaqaalaha caalamka, isagoo sheegay in dunidu ay wajahday caqabad weyn oo dhaqaale iyo tamareed, taas oo u baahan xalal degdeg ah iyo iskaashi caalami ah si loo xakameeyo saameynta sii fidaysa.