Wednesday, June 17, 2026

Maraykanka oo Diiday Codsi uga yimid Israa’iil oo la Xiriiray Heshiiska Iiraan

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Israel ay codsi rasmi ah u gudbisay Mareykanka si loogu oggolaado inay dib u eegto ama loo wadaago faahfaahinta heshiiska is-afgarad (MoU) ee ay Washington la waddo Iran, balse codsigaas la diiday.

Sida uu baahiyay Channel 12, Israa’iil ayaa dooneysay inay hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan qodobbada heshiiska la diyaarinayo iyo jihada ay u socdaan wada-hadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan. Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in maamulka Maraykanka uusan oggolaan in Israa’iil si toos ah u eegto ama uga qayb qaadato heshiiskaasi.

Tallaabadan ayaa loo fasirtay inay muujinayso rabitaanka Washington ee ah inay si madax-bannaan u maareyso wada-hadallada ay la leedahay Tehran, iyada oo aan si toos ah ugu darin Israa’iil geeddi-socodka wada-xaajoodyada socda.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil muddo dheer walaac ka qabtay heshiis kasta oo dhex mara Maraykanka iyo Iiraan, gaar ahaan heshiisyada la xiriira barnaamijka nukliyeerka, cunaqabateynta dhaqaalaha iyo arrimaha amniga gobolka. Madaxda Israa’iil ayaa marar badan ku dooday in heshiis kasta oo lala galo Iiraan uu si toos ah u saameyn karo ammaanka Israa’iil iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

Dhinaca kale, maamulka Maraykanka ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in wada-hadallada lala leeyahay Iiraan ay u baahan yihiin hannaan diblomaasiyadeed oo gaar ah, isla markaana aanay jirin baahi loo qabo in dalal kale si toos ah loogu daro marxaladaha hordhaca ah ee wada-xaajoodka.

Falanqeeyayaasha siyaasadda caalamiga ah ayaa sheegaya in arrintan, ay muujinayaan kala duwanaansho aragtiyeed oo u dhexeeya Washington iyo Tel Aviv oo ku saabsan sida loola macaamilayo Iiraan. Inkasta oo labada dal ay yihiin xulafo istaraatiiji ah, haddana marar badan ayay ku kala aragti duwanaadeen qaabka ugu habboon ee lagu wajahayo Tehran.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ama dowladda Israa’iil oo si faahfaahsan u xaqiijinaya ama u beeninaya warbixinta Channel 12. Si kastaba ha ahaatee, wararkani waxay kusoo beegmayaan xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha gobolka iyo in heshiis cusub laga gaaro arrimaha muranka badan dhaliyay ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

Talaabada Israa’iil looga reebay faahfaahinta heshiiska, waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa in Maraykanku doonayo inuu si madaxbannaan u hoggaamiyo geeddi-socodka wada-hadallada, isaga oo aan oggolaan saameyn dibadeed oo toos ah inta lagu jiro marxaladaha muhiimka ah ee heshiiska.