Booliiska dalka Germany ayaa sheegay in laba nin iyo afar haween ah oo ku dhintay weerar toogasho oo ka dhacay magaalada Stade ee waqooyiga dalkaas ay ahaayeen shaqaale ka tirsan xarun daryeelka iyo taageerada dhallinyarada.
Booliisku wuxuu sheegay in ninka looga shakisan yahay weerarka, oo la xiray, uu ku lug lahaa muran sharci oo la xiriiray mas’uuliyadda daryeelka gabadhiisa oo saddex bilood jir ah.
Gabadha yar iyo hooyadeed ayaa ku sugnaa dhismaha xilliga uu weerarku dhacay, hase yeeshee wax dhaawac ah ma soo gaarin.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in laba qof oo kale su’aalo lagu weydiinayo dhacdada, iyadoo baaritaanku weli socdo.
