Telefishinka CNN ayaa ku warramay inuu Trump, si weyn uga carooday wararka ku saabsan hoos u dhaca kaydka gantaallada Mareykanka inay bannaanka u soo baxaan. Wuxuu rumeysan yahay in arrintaasi ay Mareykanka ka dhigayso mid u muuqda daciif, xilli uu Iiraan ku cadaadinayo inay miiska wada xaajoodka timaaddo.
Trump wuxuu eedda dusha ka saaray dadkii xogta sirta ah warbaahinta u dusiyay, mana uusan eedeyn xoghayaha dagaalka,Pete Hegseth.
Sidoo kale, wuxuu Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka faray inay ogaato oo ay aqoonsato cidda ka dambeysay xogta sirta ah ee la faafiyay
