Warbaahinta fadhigeedu yahay Lubnaan ee Al Mayadeen ayaa ku warrantay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho in la geeyay wax ka yar labo toddobaad ka hor oo ku beegan 21 bishii June , shixnad laga soo diray Israa’iil oo gaaraysay hal tan oo ka kooban qalab isgaarsiinta casriga ah ee lagu sameeyo dabagalka sirdoon iyo isgaarsiin militari oo la sheegay in magaca Qaramada Midoobay lagu geeyay,
Agabkan ayaa la sii mariyay Nairobi, ka dibna markii Muqdisho la gaarsiiya galabkan sirdoon uu la wareegay xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Israa’iil, dawladda Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay midkoodna kama falcelin warbixintan la baahiyay saacad ka hor oo ay sheegtay warbaahinta Al Mayadeen inay ka soo xigatay ilo aan la magacaabin oo la hadlay.
Waxaa xusid mudan warbaahinta Al Mayadeen oo uu aas aasay wariyihii hore ee telefishinka Al Jazeera, Ghassan Ben Jeddou , in la sheego xiriir dhow oo siyaasadeed iyo tifaftireed oo ay la leedahay mowqifyada ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo dawladda Iiraan, inkastoo ay si rasmi ah u sheegto inay tahay warbaahin madax-bannaan.

Screenshot
