Gudiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Qof iyo Cod ee Maamulka Galmudug

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada qof iyo cod ee la qorsheeyay inay ka qabsoonto deegaannada Maamulka Galmudug inta lagu jiro bisha Luulyo 2026.

Jadwalku wuxuu qeexayaa marxaladaha kala duwan ee geeddi-socodka doorashada, laga bilaabo hubinta xogta codbixiyeyaasha iyo diiwaangelinta, ilaa maalinta ay shacabka codkooda dhiibanayaan.

Sida uu guddigu sheegay, 2-da Luulyo waxaa la bilaabayaa hubinta iyo sixidda liiska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha, 10-ka Luulyo ayaa loo asteeyay soo gudbinta liiska musharraxiinta, iyadoo isla maalintaas la shaacin doono goobaha codbixinta.

15-ka Luulyo waxaa la qabanayaa xallinta cabashooyinka la xiriira liiska musharraxiinta, halka 16-ka Luulyo la soo saarayo liiska kama dambaysta ah ee musharraxiinta.

Dhanka kale, 17-ka Luulyo waxaa la fulin doonaa diiwaangelinta iyo qaybinta kaararka codbixiyeyaasha, iyadoo sidoo kale la shaacin doono liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha.

Jadwalku wuxuu ku soo gebogeboobayaa 20-ka Luulyo 2026, oo loo asteeyay maalinta doorashada, markaas oo shacabka Galmudug ay codkooda ku dooran doonaan wakiilladooda, iyadoo tani ay qeyb ka tahay hirgelinta nidaamka doorashada tooska ah ee qof iyo cod.