Itoobiya ayaa ka digtay in gobolku uu qarka u saaran yahay dagaal khadaadh, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in la baajiyo weerarka kusoo wajahan Itoobiya.
Rudwaan xuseen, Madaxa ha’ayada sirdoonka Itoobiya iyo Getachew Reda, Lataliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee arrimaha bariga Afrika ayaa maqaal aragti wadaag ah oo wadajir ay ugu daabaceen Al Jazeera waxay ku sheegeen in garabka mayalka adag ee TPLF oo taageero ka halaya Eritrea ay isku diyaariyaan in maalmahan soo socda ay weerar milatari kusoo qaadaan Dowlada Federalka Itoobiya.
Madaxa Sirdoonka Itoobiya iyo Lataliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxay beesha caalamka ugu baaqeen in si degdega loo qaado talaabo looga hortagayo dagaalkaas, isla markaana TPLF iyo Eritrea labadaba la saaro cadaadis kahor inta aysan xaaladu isku badalin dagaal buuxa
