Trump ayaa dagaalka Iiraan u rogaya mid uu dhaqaale ka sameynayo. Saacado ka hor haddii uu sheegay inuu dalalka Khaliijka ka qaadayo lacag , si ay ilaalada Mareykanka u helaan , wuxuu hadda go’aansaday inuu ku soo rogo canshuur dhan 20% badeecadaha mara marin-biyoodka Hormuz,iyadoo tallaabadan la sheegay inuu ka fakarayay bilihii u dambeeyay , sida ay werisay warbaahinta Semafor oo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.
Haddiiba Trump uu la kulmi karo caro ka dhalata go’aamadiisa , waa haddii uu dhaqangeliyo lacagtan oo xataa helin gelinaysa kalsoonida dalalka Bariga Dhexe ay ku qabi karaan Mareykanka.
Waxaa laga yaabaa inaan aragno codod gobolka ka soo baxaya oo ku baaqaya dib u habeyn lagu sameeyo xiriirka Mareykanka.
