Dawlada Kenya Oo Xabsiga Dhigtay Arday loo Haysto Dabkii shalay Ardaydu ku Dhinteen Ee ka Kacay Iskuulka

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in xabsiga la dhigay 8 arday oo loo haysto dabkii shalay ka kacay dugsi ku yaalla deegaanka Gilgil oo magaalada caasimadda ah ee Nairobi u jira 120KM.

Dabkan ayaa sababay dhimashada 16 arday ah halka ay ku dhawacmeen tiro inta ka badan.

Booliska ayaa sheegay in ay heleen caddaymo ay duubtay CCTV camera iyo weliba ardaydii la waraysanayey kuwaas oo muujiyey in ardaydani si badheedh ah u gubeen dugsigii ay dhiganayeen.