Tuesday, September 8, 2026

QM, AU iyo IGAD oo shir ka Yeelanaya Xaaladda Suudaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Diblomaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa 21-ka September magaalada New York ku yeelanaya kulan diiradda lagu saarayo xaaladda Suudaan iyo sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu soo afjaro colaadda dalkaas.

Kulanka ayaa si gaar ah looga shaqayn doonaa sidii loo hirgelin lahaa xabbad-joojin fududeyn karta gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo ee loo baahan yahay malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaalladu.

Saddexda dhinac ayaa sheegay in aysan ka quusan dadaallada nabadeed tan iyo markii uu dagaalku Suudaan ka qarxay April 2023, inkastoo isku dayo hore oo xabbad-joojin iyo wada-hadal ah ay guuldarreysteen.

Kulanka New York ayaa la filayaa in lagu kordhiyo cadaadiska diblomaasiyadeed ee dhinacyada dagaallamaya, iyadoo sidoo kale digniin loo diri doono cid kasta oo caqabad ku noqota dadaallada lagu gaarsiinayo gargaarka bani’aadamnimo iyo ilaalinta shacabka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dhinacyada isku haya Suudaan ku eedeeyay inay xannibayaan gargaarka bani’aadamnimo, sababayna barakaca malaayiin rayid ah iyo xadgudubyo culus oo mustaqbalka lala xisaabtami karo.