Wednesday, August 12, 2026

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo la kulmay Safiirka Jarmalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles, Sebastian Groth.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo xasilloonida, iyadoo sidoo kale la isla soo qaaday doorka Dowladda Jarmalka ee taageerada Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiir Groth ayaa sidoo kale ka wada hadlay taageerada Jarmalka ee dhinacyada horumarinta, adeegyada bulshada iyo xoojinta xasilloonida, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Jarmalka.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysaa caqabado dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta ah, iyadoo taageerada saaxiibada caalamiga ah ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo xasilloonida dalka.