Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland soo saartay maanta 19 Noofambar 2026 ayay ku sheegtay in xidhiidhada dibadda, iskaashiga dhaqaale iyo heshiisyada istaraatiijiga ahi aanay u baahnayn oggolaanshaha Muqdisho.
Somaliland waxay sheegtay inay si buuxda u leedahay awoodda ay ku maamusho xidhiidhadeeda dibadda, sidoo kale Somaliland waxay iska diidday tallaabooyin ay Soomaaliya isku dayayso inay ku xaddido ama uga hadasho xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Warsaxaafadeedkan ayay Somaliland sheegtay in ay sii wadi doonto ilaalinta madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, isla markaana ay xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

