Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhowaan la bilaabi doono qodista ceel shidaal oo lagu magacaabo Holhol, kaas oo ku yaalla degmada Xudun ee gobolka Sool, iyadoo mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada lagu dardargelinayo sahminta iyo horumarinta khayraadka shidaalka ee dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa Dawan u sheegay in ceelka Holhol uu ka mid yahay saddex ceel oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanadkii 2024 siisay shirkadda Golfsom, oo ay wada leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo Qatariyiin.
“Ceelka Holhol Dowladda Soomaaliya waxay heshiiskiisa siisay shirkadda Golfsom sanadkii 2024, waxaana qorshuhu yahay in dhawaan la bilaabo qodistiisa,” ayuu Dawan u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Maxamed Xaashi Carabeey.
Ceelka Holhol ayaa ka mid ah goobihii shidaalka ee hore loogu sameeyay sahanno xilligii dowladihii hore ee Soomaaliya, waxaana hadda dib loo bilaabayaa qorshaha lagu xaqiijinayo keydka shidaalka ee deegaankaas, si loo ogaado fursadaha shidaal ee ku jira dhulkaas.
Haddii qorshahan uu hirgalo, Holhol wuxuu noqon doonaa ceelkii labaad ee Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u guda gasho qodistiisa, kaddib ceelka Curad-1, oo ah mashruuca ugu horreeya ee qodista shidaalka badda Soomaaliya.
Ceelka Curad-1 ayaa ku yaalla biyaha u dhexeeya magaalooyinka Mareeg iyo Xarardheere ee Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada Soomaaliya ay ku horumarinayso khayraadka dabiiciga ah iyo soo saarista shidaalka dalka.
