Wasiirka Amniga Mareykanka oo Difaacday Go’aanka Garsoore Cumar Cartan loogu Diiday Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Amniga Gudaha ee Mareykanka, Markwayne Mullin, ayaa difaacay go’aanka lagu diiday garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Aadan Arten, inuu galo dalka Mareykanka si uu uga qeyb qaato garsooridda ciyaaraha Koobka Adduunka 2026.

Mullin ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta rasmiga ah ee loo diiday gelitaanka garsooraha Soomaaliyeed, balse wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka aysan oggolaan doonin inay dalka soo galaan shaqsiyaad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin falal dambiyeed.

“Ma geli doono sababta gaarka ah ee qofkan loogu diiday gelitaanka, balse waxaa jiray sabab loo cuskaday go’aankaas,” ayuu Mullin ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii.

Wuxuu intaas ku daray in Wasaaradda Amniga Gudaha ay xiriir dhow la leedahay Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta (FIFA), isla markaana ay la wadaagto sababaha la xiriira kiis kasta oo noocan oo kale ah.

Mullin ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay dadaal badan gelisay fududeynta bixinta oggolaanshaha gelitaanka ee kumannaan qof oo la xiriira Koobka Adduunka, hase yeeshee ay jiraan dad aan loo oggolaan karin inay dalka soo galaan.

Go’aankan ayaa yimid xilli Mareykanku martigelinayo Koobka Adduunka 2026, iyadoo arrintan ay dhalisay hadal-heyn ku saabsan ka qeybgalka garsoorayaasha iyo mas’uuliyiinta ka socda dalalka kala duwan.