FBI-da oo Gacanta ku Dhigtay Saciid Cabdullaahi Ereg Markii uu Isu Dhiibay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa shaacisay inay gacanta ku hayso Saciid Cabdullaahi Ereg oo Soomaali ah, kaas oo muddo dheer si weyn loo raadinayay.

FBI-da ayaa ku eedeysay Ereg inuu ku lug lahaa musuqmaasuq la xiriira lacag ka badan 4 milyan oo doolar oo ka tirsan barnaamijka nafaqeynta carruurta ee dowladda Mareykanka, lacagtaas oo loogu talagalay carruurta u baahan gargaar cunto, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota.

War kasoo baxay FBI-da ayaa lagu sheegay in Saciid Cabdullaahi Ereg uu 10-kii Juun isu dhiibay hay’adaha ammaanka Mareykanka, wax yar kadib markii magaciisa lagu daray liiska cusub ee dadka loogu raadinta badan yahay ee lagu eedeeyo dambiyada khiyaanada maaliyadeed.

Sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, Ereg waxaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin khiyaano maaliyadeed, isku day khiyaano iyo lacag dhaqid, iyadoo lagu andacoonayo inuu ka faa’iideystay barnaamij loogu talagalay quudinta carruurta xilligii cudurka COVID-19.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in Ereg si nabad ah isku soo dhiibay, waxaana hadda uu wajahaya dacwadaha federaalka ee loo haysto.