Iiraan Ma-yeelan Karto Hubka Nukliyeerka inta aan ahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil – Netanyahu

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa war qoraal ah soo dhigay bartiisa X, kdib markii uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, u sheegay in dhawaan la gaari doono heshiis dhex mara Iiraan iyo Mareykanka.

Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Inta aan ahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Iiraan ma yeelan doonto hub nukliyeer ah.”

Netanyahu wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Trump ay gaareen heshiis ku saabsan, arrinta ah in Iiraan aysan yeelan hub nukliyeer ah.

Hogaamiyaha Israa’iil ayaa intaa ku daray in “Iiraan ay horey u heli lahayd bambooyin nukliyeer ah, si ay u burburiso Israa’iil, haddii aysan ahayn dadaalkeenna aan kaga hortageyno.”

Qoraalka hoggaamiyaha ma uusan faahfaahin mana uusan muujin ra’yigiisa ku aaddan, heshiiska xabad joojinta ee dhex maray Mareykanka iyo Iiraan.

Netanyahu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Iiraan ay rabto inay burburiso Israa’iil, isla markaana aysan oggolaan doonin inay taasi dhacdo.

Dhanka kale, heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Mareykanka iyo Iiraan ayaa la saxiixi karaa Axadda soo socota , sida uu xog-ogaal reer Galbeed ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo wadahadalladaasna la filayo inay ka dhacaan magaalada Geneva.

Ninka xog-ogaalka ayaa sheegay, in hadda la falanqeynayo tallaabooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo Iiraan ay ku adkeysaneyso in heshiiska ay qeyb ka noqoto joojinta weerarada lagu qaado dalka Lubnaan, halkaas oo ay Israa’iil ay ka geysato weeraro ka dhan ah kooxda Xisbullah.