Imaaraadka Carabta ayaa markii u horreysay ku biiray ololaha ay wadaan Sacuudiga iyo Qatar ee looga hortagayo Mareykanka inuu dib u billaabo dagaalka Iiraan, iyagoo ku cadaadinaya Trump inuu fursad siiyo diblomaasiyadda iyo wada-hadallada lala leeyahay Iiraan halkii dib loo bilaabi lahaa dagaal militari.
Dalalkan ayaa cabsi ka qaba in dagaal cusub uu qalqal geliyo gobolka isla markaana dhaawac weyn u geysto dhaqaalahooda iyo mashaariicdooda horumarineed.
Inkasta oo Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka ay ku kala duwan yihiin sida adag ee Mareykanku ula macaamilayo Iiraan, haddana dhammaantood waxay isku raacsan yihiin in laga fogaado dagaal kale oo gobolka ka qarxa.

Screenshot
