Madaxwaynaha KMG ah ee Koofur Galbeed Oo Mar kale Cafis u Fidiyay Ciidamada Taabacsanaa Ex M/Laftagareen.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid ayaa mar kale cafis u fidiyay Ciidamada taabacsanaa Laftagareen oo uu ku tilmaamay in ay noqdeen “AS Kalkaal”.

Jibriil oo maanta kormeeray Saldhigyada Ciidanka Xoogga iyo kuwa Koofur Galbeed, ayaa tilmaamay in ay hayaan Meydka qaar kamid ah Ciidamadii sugi jiray Amniga Baydhabo, balse hadda qaaday wadada qaldan, sida uu hadalka u dhigay.

Ilaa hadda ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara in ay Ciidamada taabacsan maamulkii hore ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada wadajirka ah ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koofur Galbeed.