Iiraan oo ku Hanjabtay Inaysan u Hoggaansami doonin Heshiisyadii ay la Gashay Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa ku dhawaaqday inaysan u hoggaansami doonin heshiisyada ay la gashay Mareykanka “ilaa iyo inta Maraykanku sii wado xadgudubyada” heshiiska loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.

Telefishanka dowladda Iiraan oo soo xiganayey safiirka dalka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeed Irvani, kaas oo sheegay in Tehran aysan isku arki doonin inay ku dheganaadaan ballanqaadka ku xusan heshiiska is-afgaradka ee ay Islamabad la gashay Washington inta ay sii waddo jebinta waajibaadkeeda ku xusan heshiiskaas.

Irvani wuxuu ku eedeeyay Mareykanka “inay sii wadaan weerarrada milatari ee baaxadda leh ee lagu bartilmaameedsanayo madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Iiraan.”

Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa soo xigatay ilo Iiraaniyiin ah oo sheegaya in wax wadahadallo ah aysan dhici doonin ilaa Mareykanku uu ka laabto mowqifkiisa hadda, isagoo tixraacaya is-afgaran waaga u dhexeeya Tehran iyo Washington ka hor wadahadallada la filayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabbas Caraqchi ayaa ku qoray bogga X in “in Iiraan ay ilaa hadda ku adkaysatay moowqifkeeda,” isagoo ku nuuxnuuxsaday in “habka kaliya ee loo mari karo xalka uu yahay in labada dhinacba ay si wadajir ah ugu hoggaansamaan ballanqaadyadooda.”