Kooxda Trump ayaa la sheegay inay Iiraan ka dalbanayso saddex qodob oo muhiim ah si loo dejiyo xiisadda ka taagan Marinka Hormuz.
Qodobbadaas waxaa ka mid ah:
1- Inay si cad u shaaciso in Marinka Hormuz uu u furan yahay maraakiibta caalamiga ah.
2- Inay ballanqaaddo joojinta weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga.
3- Inay xaqiijiso in maraakiibtu si xor ah u mari karaan marinka, iyada oo aan wax lacag ah laga qaadin.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sidoo kale sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiis waara ay tahay kala qeybsanaanta ka jirta hoggaanka Iiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno mayal adag oo taageersan tallaabooyin militari oo adag.



