Waxaan helay sawirro muujinaya in Xalay mar kale duqeymo dhinaca cirka ah ka dhaceen dhul xeebeedka deegaanka Bulaxaar ee degmada Berbera Gobolka Saaxil ee Somaliland.
Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa noo sheegay in dhowaan Taliyaha Booliska Somaliland, oo halkaas gaadhay, uu u sheegay inay xukuumaddu waddo baadhis la xidhiidha arrintan, balse aanay war sugan ka hayn.
Dhanka kale, sidaan horeba u tebinay, illo amni ayaa noo soo dusiyay in hawlgallada duqeyntan uu fuliyay saldhigga Maraykanka ee Jabuuti, kaas oo beegsanayay doonyo ay wateen koox Yemeni ah oo ka ganacsata hubka sharci-darrada ah kana soo dejin rabay xeebaha deegaankaasi Bulaxaar.
Taliska Maraykanka ayaan wali sheegan masuuliyadda hawlgalkan, iyadoo dhinaca Xukuumadda Somaliland-na aysan wali ka hadal, hase yeeshee, waxa hubaal ah inaanay jirin wararka sheegaya in duqeymuhu yihiin tababar ciidan sida illo amni nio xaqiijiyeen.





