Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Cyprian Kubai Iringo, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyo horumarka laga sameeyay sugidda amniga guud ee dalka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo dhex mara labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga xuduudaha iyo ilaalinta danaha wadajirka ah.
Dhinaciisa, Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Kenya xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya, si loo sugo amniga gobolka loogana hortago khataraha argagixisada.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Kenya ee Soomaaliya, Mudane Ilyaas Barre Shiil.



