Madaxweynaha Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA Gianni Infantino oo ka hadlay arinta garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan ayaa sheegay iney wax laga xumaado tahay waxa ku dhacay garsoore Cartan, balse wuxuu xusey in FIFA aysan xakameyn wax walba oo Dunida ka dhacaya.
Gianni Infantino wuxuu xusay in qaylo iyo buuq aan mararka qaar waxba lagu xalin balse ay taasi natiijada uga sii darto ama sii xumeyso.
Infantino wuxuu yidhi “Annagu ma nihin boqorada Dunida, waxaan nahay urur sport oo keliya balse ma maamulno dalalka iyo hayadahooga ammniga. Waxaan isku dayaynaa inaan mideyno Adduunka, waxaan ku dadaaleynaa inaan xal u helno dhamaan.
Madaxa FIFA Gianni ayaa xaqiijiyay in lagu howlanyahay xal uhelida arinka Cumar Cartan “

Screenshot
