Wednesday, June 10, 2026

Iiraan Oo Diidday Isku ay ay Qatar ku Doonaysay inay Magaalada Doha ku Dhex-dhexaadiso Maraykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa diidday isku day ay Qatar ku doonaysay inay magaalada Doha ku qabato wada-hadallo saddex geesood ah oo ay ka qaybgalayaan Mareykanka, Iiraan iyo Qatar oo dhexdhexaadinaysa, si loo yareeyo khilaafaadka loona gaaro heshiis lagu soo afjaro xiisadda taagan.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay, in wafdi heer sare ah oo ka socda dawlada Qatar ay soo gaareen magaalada caasimadda Iran ee Tehran galabta si ay wadahadal ula yeeshen madaxda Iran.

Sida ay werisay Axios, Iiraan waxay ku adkaysatay in dhexdhexaadinta arrintan ay door weyn ku yeelato Pakistan, halkii ay si toos ah uga qayb geli lahayd wada-hadallada saddex geesoodka ah ee ay Qatar soo jeedisay.