Xisbigan oo ah Xisbiga mucaarid ah ayaa Cusbitaalka weyn ee Hargeysa ugu deeqay laba mishiin oo kuwa Keliyaha lagu maydho ama lagu daryeelo ah, kuwaas oo ay baahi wayn u qabeen dadka Xanuunkaasi la nool oo dhowaan cabasho xoogan muujiyey, halka uu Xisbiga Kaah-na hal mishiin ugu deeqay.
Dhinaca kale xisbiga Kulmiye, ayaa maanta Magaaladda Boorama gaadhsiiyey mishiin kuwa Keliyaha lagu daryeelo ah, isaga oo ka jawaabaya cashada dadka Boorama ku dhaqan ee Xanuunka Keliyaha la nool, iyada oo aanay illaa hadda xukuumadu ka jawaabi cabashada Boorama Kulmiyena kaga hor maray.
Geesta kale Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro, ayaa 10 mishiin oo kuwa Keliyaha lagu maydho ah Soo gaadhsiiyey Cusbitaalka weyn ee Hargeysa, sida lagu baahiyey baraha Bulshada, waxaanay noqonaysaa fulinta ballan qaadkii uu u sameeyey dadka Xanuunka Keliyaha la nool ee lagu daryeelo Cusbitaalka Hargeysa.
Dhamaantood way mahadsantihiin…
