Talyaaniga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu laba markab oo ah kuwa miinooyinka badda baara u dirayo marin-biyoodka Hormuz, keliya haddii la gaaro xabbad-joojin waarta oo xasilloon.
Wasiirka Difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto, oo la hadlay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in howlgal kasta uu ku xirnaan doono xabbad-joojin dhab ah, lagu kalsoonaan karo oo joogto ah, ama xitaa heshiis nabadeed oo rasmi ah.
Crosetto ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibtan ay qaadan doonaan toddobaadyo si ay u gaaraan gobolka, balse Talyaanigu uu hadda bilaabay inuu si taxaddar leh ugu diyaariyo bariga Mediterranean-ka iyo Badda Cas.
“Si taxaddar ah oo keliya ayaan u diyaarinaynaa laba markab oo miino baaris ah si ay ugu dhowaadaan marinka,” ayuu yiri wasiirku.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli si weyn u xiran, iyadoo wada-hadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran ay hakad galeen. Mareykanka ayaa hore Iran ugu eedeeyay inay miinooyin ku aasay marin-biyoodkaasi oo muhiim u ah ganacsiga saliidda caalamka.
