Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa duqaymo u gaystay dad ka soo qayb galayay aaska qof geeriyooday oo ka dhacayay qabuuraha magaalada El-Obeid ee dalka Suudaan, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar qof tiro kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen laba urur oo u dooda xuquuqda, Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan iyo Qareennada Gurmadka degdegga ah.
Labada kooxoodba waxa ay weerarka ku eedeeyaan Ciidanka Gargaarka Degdegga ah (RSF). Qareenada deg-degga ah ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay weeraro xiriir ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo billowday fiidnimadii Arbacada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 23 qof. RSF kama aysan hadlin.
El-Obeid oo hadda ku jirta gacanta ciidamada Dowlada Sudan ayaa ah goob muhiim u ah dagaalka sokeeye ee Sudan ka socday saddexdii sano ee la soo dhaafay, kaasoo billowday ka dib markii hoggaamiyayaasha ciidamada iyo RSF ay isku khilaafeen jihada mustaqbalka ee dalka.
Dagaallada ayaa abuuray masiibadii bini’aadantinimo ee ugu xumayd aduunka iyadoo in ka badan 11 milyan oo qof lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan halka 28 milyan ay soo food saartay gaajo daran.
Ma jiraan tirooyin la isku hallayn karo oo ku saabsan tirada dhimashada, laakiin waxaa loo maleynayaa inay tahay ugu yaraan 50,000.
Marka laga soo tago weerarka lagu qaaday qabuuraha, Qareenada Gurmadka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay duqeeyeen guryo ku yaalla xaafado, degmada garoonka diyaaradaha iyo deegaanno ku xeeran saldhig ciidan. 13 qof oo rayid ah ayaa la dilay, kooxdu waxay sheegtay in dad rayid ah ay isugu soo baxeen meel ku dhow guryo burburay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in shan qof oo rayid ah lagu dilay weerarro hore.
“Waa arrin naxdin leh, saqafyada guryaha ayaa ku soo dumay dadkii ku jiray, marka aad eegto guryaha qaar, waxaad dareemaysaa inaysan jirin cid ka badbaaday,” mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP kaddib weerarradaas.
Weerar kale ayaa darawal kaxeynayay gaari xamuul ah oo sahay cunto ah ku dhintay markii gaarigiisa la duqeeyay Khamiistii, sida ay sheegeen labada qareen ee xaaladaha degdegga ah iyo Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan.
Labada kooxood ayaa qeexaya weerarro qorsheysan iyo kuwo soo noqnoqday oo lagu beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa Ceel-Cubeyd dhowr maalmood.
Magaaladu waxay ku taal gobolka Kordofan ee qaniga ku ah saliidda – kaas oo u qaybsan Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Kordofan.
