Koox Argagixiso ah oo Abaal-marin 2 Milyan oo Euro Siineysa Qofka Keena Xogta Madaxweyne Afrikan ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, Jama’at Nusrat al-Islam wal Muslimin (JNIM), ayaa ku dhawaaqday abaalmarin malaayiin Yuuro ah, kaas oo la siinayo qof kasta oo bixiya macluumaad ku saabsan meesha uu ku sugan yahay madaxweynaha dalka iyo saraakiisha sare ee militariga ee dalka Mali, iyagoo ku tilmaamay dowladda dalka mid sharci darro ah.

Hadalka ka soo yeeray kooxda argagixisada ah ee JNIM, ayaa yimid maalin uun ka dib markii dowladda Mali ay ku dhawaaqday, abaalmarin malaayiin doolar ah oo la siinayo qof kasta oo haya macluumaad ku saabsan dadka weeraray dowladda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dadka rayidka ah.

Waxay sidoo kale timid ka dib markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay bishii Abriil fulisay weeraro lagu dilay, Wasiirkii Difaaca ee dalka, laguna dhaawacay mas’uuliyiin kale.

Dowladda Mali ayaa ku dhawaaqday abaalmarin dhan $3.55 milyan oo doolar oo la siinayo, qof kasta oo haya macluumaad ku saabsan Lyad Ag Ghaly, oo ah hoggaamiyaha kooxda JNIM.

Kooxda JNIM ayaa ku dhawaaqday abaalmarin dhan laba milyan oo Euro, oo la siinayo qofkii haya macluumaad ku saabsan madaxweynaha dalka Assimi Goita, kaasoo xukunka la wareegay ka dib afgambigii 2020, iyo hal milyan oo Euro oo la siinayo qofkii keena macluumaad ku saabsan saraakiisha sare ee militariga, Kornayl Lassina Diallo iyo Jeneraal Malik Dicko.