Saturday, November 28, 2026

Turkiga oo Diiday inuu ku Lug Leeyahay Dhacdo Argagax leh oo ka Dhacday gudaha Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee ay soo saarto, kuwaas oo ku hubeysan gantaallo, loo adeegsaday duqeyn cirka ah oo ka dhacday gudaha Soomaaliya.

Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah ee hoos timaadda Waaxda Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ee Turkigu aysan wax hawlgal militari ah ka fulin goobihii lala xiriiriyay duqeynta.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in aanay jirin diyaarado dagaal, diyaarado aan duuliye lahayn ama saanad ciidan oo ay leedahay dowladda Turkiga oo loo adeegsaday dhacdada, iyadoo eedeymahaasi lagu tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin.

Ankara ayaa sheegtay in wararkaasi ay qayb ka yihiin olole lagu faafinayo xog aan la xaqiijin, kaas oo lagu doonayo in lagu dhaawaco sumcadda ciidamada qalabka sida ee Turkiga iyo warshadaha difaaca ee dalka.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ka digtay in faafinta eedeymaha aan caddaynta lahayn ay dhaawici karto sumcadda awooddeeda milatari, isla markaana saameyn ku yeelan karto xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Waxay xustay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo iyo iskaashi muddo dheer soo jiray, iyadoo ku baaqday in warbaahinta iyo shacabka ay hubiyaan xogta la faafinayo, kana fogaadaan sheegashooyinka aan loo hayn caddayn.

Ankara ayaa ugu dambeyn ku celisay in ciidamada Turkigu aysan wax hawlgal militari ah ka fulin goobihii lala xiriiriyay duqeynta.