Wednesday, October 14, 2026

Xuutiyiinta Yemen Oo soo Saaray Digniin Horleh Oo ku socota Sacuudiga

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Xuutiyiinta Yemen ayaa soo saaray digniin horleh oo ku socota Sacuudiga,iyadoo afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa hadal uu jeediyay wuxuu xaqiijiyay inay ballaarinayaan weerarradooda ka dhanka ah warshadaha shidaalka ee Aramco iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.

Waxaa kaloo uu sheegay 24 saac ee u dambeysay inay weerarro ku qaadeen xarunta shidaalka ee Aramco ee magaalada Dahran, garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid iyo warshadda sifeynta shidaalka ee Aramco ee ku taal caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Wuxuu intaa ku daray; “Maalmaha soo socda, howlgalladayada gudaha Sacuudiga waxay beegsan doonaan garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka.”