Saturday, October 3, 2026

Pakistan Oo Afar Diyaaradood Oo Sida Shixnad Ciidan ka Degay Magaalada Cadan Ee Yemen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afar diyaaradood oo nooca xamuulka ah oo ay leeyihiin ciidamada dowladda Pakistan ayaa ka degay magaalada Cadan ee dalka Yemen, iyagoo sida shixnad culus oo ciidan.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in diyaaradahaas ay wadeen qalabka gaashandhigga cirka, madaafiic, diyaaradaha bilaa duuliyaha ah, iyo nidaamyada casriga ah ee loogu talagalay ka-hortagga iyo soo-riddada diyaaradaha bilaa duuliyaha ah.

Gaarista diyaaradaha iyo shixnadaha Pakistan ayaa ka dhigan in Islamabad ay qayb ka noqotay dagaalka ka dhanka ah Xuutiga. Pakistan waxay qayb ka tahay isbahaysiga Maka oo ah gaashaanbuur iskaashi difaac oo ay ku midaysan yihiin Pakistan Sucuudiga iyo Turkiga