Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaasi oo magaalada Muqdisho uga qayb galay shir ku saabsanaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Kulankan oo uu goobjoog ahaa Danjiraha dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo wafdiga Talyaaniga ay ka mid ahaayeen maamulayaasha shirkado ganacsi, warshado waaweyn iyo maalqabeenno daneynaya in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ganacsatada ku bogaadiyey booqashadooda dalka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsanayso isbeddel ballaaran oo dhanka amniga, dib u dhiska dhaqaalaha iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga caalamiga ah, isaga oo ku boorriyey in ay si dhow uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha iyo adeegyada bulshada.
Dhankooda, wafdiga ganacsatada iyo maalgashadeyaasha ka socday Talyaaniga ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo fursadda qaabilaadda ah ee uu siiyay, iyaga oo muujiyay sida ay u daneynayaan ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka suuqyada soo koraya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

