Ingiriiska ayaa ciidamo geeyay jasiiradaha Falkland, waxaana halkaa ay ka sameeyeen dhoolatus milatari oo lagu difaacayo ama dib lagula wareegi karo haddii Argentina oo sheegata jasiiradahan ay iskudaydo inay weerarto oo ay dib u qabsato, qorshe ay taageerrayaan Israa’iil iyo Mareykanka oo doonaya khilaafka jasiiradan inay ku cadaadiyaan Ingiriiska, sida ay baahiyeen wargeysyada Ingiriiska ka soo baxa ee The Times iyo The Independent.
Jasiiradaha Falkland waxay ku yaallaan Badweynta Atlaantikada Koonfureed, qiyaastii 500 kiiloomitir dhinaca bari ka xiga xeebaha koonfureed ee Argentina. Waxay ka kooban yihiin laba jasiiradood oo waaweyn iyo jasiirado yaryar oo badan. Caasimaddoodu waa Stanley.
Jasiiradahan waxaa hadda maamula Ingiriiska, laakiin Argentina waxay ku dooddaa inay iyadu xaq u leedahay.
Argentina waxay sheegaysaa in Ingiriisku sannadkii 1833 xoog kula wareegtay jasiiradaha, isla markaana ay meesha ka saaree maamulkii Argentina. Sidaas darteed, Argentina, waxay u aragtaa dhul Ingiriisku ka haysato oo ay tahay in dib loogu soo celiyo Argentina.
Xiisadda labada dhinacna , waxaa sare u qaaday Netanyahu iyo Trump oo mid kasta doonayo inuu ku cadaadiyo Ingiriiska, wuxuu Netanyahu u adeegsanayaa Argentina, sida alaad lagula dagaallamo Ingiriiska illaa uu meesha ka saarayo cunaqabateynta iyo ololaha ka dhanka Israa’iil, halka Trump uu doonayo Ingiriisku inuu taageerro dagaallada uu ka wado Bariga Dhexe.
