Tuesday, November 24, 2026

Khasaare ka Dhashay Weerar ay Xuutiyiinta la Beegsadeen Dabaqa ugu Dheer Sacuudiga

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen dhismaha ugu dheer magaalada Riyaad.

Tani waa markii labaad muddo toddobaad gudihiis ah oo Xuutiyiintu bartilmaameedsadaan dhismaha Saudi Public Investment Fund Tower, oo ku yaalla caasimadda Sacuudiga.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan dhowr qof oo ajaanib ah.

Dhismahan oo ka kooban 80 dabaq ayaa sidoo kale waxyeello soo gaartay Khamiistii la soo dhaafay, kaddib weerar gantaal oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen.