Wednesday, October 28, 2026

Wararkii Ugu Denbeeyay Ee Tirinta Cododka Doorashada Israel

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Doorashada Israa||: Tirinta codadka ayaa badi soo idlaatay, iyada oo isbaahaysiga Netenyaahu ay haystaan 53 kursi, Isbaahaysiga Mucaaridka 48 kursi, halka xisbiyada Carabta ay heleen 19 kursi, weli ma jiro xisbi heley aqlabiyadda 61 kursi oo ka mid ah 120-ka Baarlamanka.

Madaxweynaha Israa||n, Isaaq Herzog ayaana xisbiyada ugu baaqay in ay midoobaan oo la dhiso xukuumad-wadaag ah, si looga fogaado doorasho ku-celis ah oo waqti & dhaqaale kale ah, sida uu u sheegey Channel12.

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa isaguna sidan yidhi:”Waa inaynu samaynaa wax kasta oo suurtagal ah, gaar ahaan wixii shalay dhacay kadib, si aynu uga baaqsanno doorasho kale.

Waxaan ka filayaa qof kasta oo halkan yimaada inuu la yimaado maskax furan iyo diyaar u ahaanshaha wada-hadalka.”

Doorashadan ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay suuqyada maaliyadda Israa’iil, iyadoo lacagta Shekel ay hoos u dhacday, suuqyada saamiyaduna ay khasaare muujiyeen.

Natiijada kama dambaysta ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo 4-ta Noofambar.