Saturday, November 28, 2026

Wafdi Wasiiro ah Oo ka Socda Ruushka Oo Gaaray Caasimada Pyongyang ee Kuuriyada Waqooyi.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wafdi ka socda dowladda Ruushka oo uu hoggaaminayo Alexander Kozlov, Wasiirka Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Deegaanka, ayaa 26-kii Nofeembar gaaray magaalada Pyongyang ee Kuuriyada Waqooyi.

Wafdigan ayaa ka qaybgalaya shirka 13-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee u dhexeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, sayniska iyo tiknoolajiyadda.

Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Pyongyang ku soo dhaweeyay Yun Jong Ho, Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha Dibadda, oo ay weheliyaan Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kim Jong Gyu iyo Safiirka Ruushka Andely Podelyshev.