Iiraan ayaa la sheegay in ay Tehran u daabushay nidaamyada difaaca cirka ee nooca “Khordad”, iyadoo la tuhunsan yahay in tallaabadu la xiriirto isu-diyaarinta weerar suurtagal ah.
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in Israel iyo Maraykanku ay dagaal weyn la galaan Iran. Caawa waxaa gobolka laga soo sheegay dhaqdhaqaaqyo militari oo aan caadi ahayn.
Waxaa la sheegay in diyaarado dagaal oo badan oo Israel leedahay ay ka duuleen saldhigga Nevatim, kadibna ay dul mareen hawada Suuriya oo ay galeen hawada Ciraaq. Halkaas ayay ku sameeyeen tababarro u eg weerar, waxaana la sheegay in duullimaadyadan lagu celceliya…



