Friday, November 20, 2026

R.Wasaare Burnham Oo Qorshaynaya In Ingiriiska Uu ku Celiyo Midawga Yurub

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Ingiriiska ee uu hoggaamiyo Andy Burnham, ayaa isku diyaarinaysa inay Ingiriiska dib ugu celiso Midowga Yurub, iyadoo maanta la dhammeystiray heshiis laga gaaray saddex arrimood oo muhiim ah, taas oo noqonaysa tallaabo lagu hagaajinayo xiriirkooda, toban sano ka dib markii Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub.

Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in dhalinyarada labada dhinac loo fududeeyo inay dalalka kale u safraan, wax ku bartaan ama muddo ku noolaadaan,iyagoo aan u baahan wax fiiso ama dal ku joog, waxaa kaloo la fududeynayaa ganacsiga cuntada iyo wax soo saarka beeraha, si badeecaduhu si sahlan uga gudbaan xuduudaha.