Madaxweyne Ruto Oo Nairobi ka Daah-furay 4,600 oo Guri oo loogu talagalay danyarta ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto ayaa tallaabo taariikhi ah qaaday ka dib markii uu Nairobi ka daah-furay 4,600 oo guri oo loogu talagalay muwaadiniinta danyarta ah.

Mashruucan oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu dhisayo 250,000 oo unug oo guryo casri ah guud ahaan dalka, ayaa muujinaya go’aanka hoggaanka Kenya ee ku aaddan isbeddelka nolosha bulshada.

Caasimadda Nairobi oo keliya ayaa qorshuhu yahay inay hesho 100,000 oo guri, iyadoo mashaariicda ka socda 215-ka goobood ee dalka ay marag u yihiin sida dowladdu mudnaanta u siinayso in muwaadin kastaa helo hoy ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isna dhankiisa la kulmaya dhaleecayn xooggan ka dib markii lagu eedeeyey inuu barakiciyey shacabka ku noolaa guryahooda. Halka dalka deriska ah ee Kenya laga dabbaal-degayo dhismaha iyo qaybinta guryo cusub, gudaha Soomaaliya waxaa ka soo yeeraya oohinta qoysas hoy la’aan noqday, taas oo muujinaysa farqi weyn oo xagga mudnaanta ah.

Tallaabadani waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan masuuliyadda dowladda ee ilaalinta hantida iyo nolosha muwaadinka, iyadoo isbarbardhigga labada hoggaamiye uu daaha ka faydayo laba waddo oo aad u kala fog oo loo marayo adeegga bulshada.