Maayirka Magaalada Minneapolis Oo Muuqaalka Fogaan Araga Uga Qayb-galy Xuska I8-ka May Shacabka Somaliland-na..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maayirka magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa hambalyo u soo diray shacabka Somaliland isaga oo sheegay in uu si fogaan araga ah ugala qayb qaadanayo farxadda iyo damaashadka 35 guurada ka soo wareegtay dib u soo celinta dawladnimadii Somaliland.

Jacob Frey ayaa yidhi ” laga bilaabo Minneapolis illaa Saint Paul, Hargeysa ilaa Boorama waxa uu dabaal degga Somaliland u yahay fursad dahabi ah oo lagu xusayo jiilalkii sida hagar la’aaata ah ugu soo shaqeeyey Somaliland.

Maayirka ayaa sidoo kale bulshada reer Somaliland ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarka magaalada uu maamuulo ee Minneapolis.

Jacob Frey ayaa maayir ka ah magaalada Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis, waxana uu ka soo jeedaa xisbiga Dimuqraadiga oo hore xilka u hayey.

Hambalyadiisa ayaa ka dhigan in miisaanka Somaliland sannadkan laga dareemay gudaha Maraykanka iyo weliba in jaaliyadda USA muujisay dedaal aad u xooggan oo xagga dabaal degga ah.